Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha yo Taclinta Sare ayaa soo gaba-gabeysay ΓΒ Imrtixaanka Qaranka ee fasalka 12aad ee sanad dugsiyeedka 2022/2023, kaas oo socday inta u dhaxeysay 27ka ilaa 31-ka bisha Maajo, 2023.Imtixaankan waxaa u fariistay 33,300 oo arday, waxa uuna ka dhacay 114 xarumood oo ku kala yaalla Muqdisho iyo Gobollada dalka, waxaana dhammaantood ay shaqada uga socotay sidii loo qorsheeyey.
HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA KASOO BAXAY WASAAARDDA
Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha yo Taclinta Sare waxaa guul weyn u ah in uu si nabad galyo ah ku soo dhammaaday Imrtixaanka Qaranka ee fasalka 12aad ee sanad dugsiyeedka 2022/2023, kaas oo socday inta u dhaxeysay 27ka ilaa 31-ka bisha Maajo, 2023.
Imtixaankan waxaa u fariistay 33,300 oo arday, waxa uuna ka dhacay 114 xarumood oo ku kala yaalla Muqdisho iyo Gobollada dalka, waxaana dhammaantood ay shaqada uga socotay sidii loo qorsheeyey.
Waxaan u mahad celinaynaa ALLAAH subxaanuhu watacaalaa oo noo suura galiyey qabsoomidda imtixaanka, sidoo kale waxaan u mahad naqeynaa Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Saraakiishooda iyo Askartoodaba oo xil weyn iska saaray amniga iyo amaanada imtixaanka oo laΓ’β¬β’aantood aysan howshan qabsoomi laheyn.
Waxaan sidoo kale u mahad celineynaa wasiirrada waxbarashada heer maamul goboleed oo iyagana kaalin weyn ka geystay in deegaannadoodu uu si wanaagsan uga dhaco imtixaanka, sidoo kale waxaan u mahad celineynaa waalidiinta iyo ardayda Soomaaliyeed oo si wanaagsan ula shaqeeyey howl wadeennada intii uu socday Imtixaanka.
Ugu dambeyn waxaan u mahad celineynaa Xafiiska imtixaanaadka, Guddiga imtixaanka Qaranka, kor-meerayaasha, ilaaliyeyaasha imtixaanka, shaqaalaha Wasaaradda iyo guud ahaan bahda waxbarashada sidii ay uga qeyb qaateen qabsoomidda iyo habsami u socodka imtixaanka.