Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in degaanno ka tirsan gobolkaasi uu ka socdo dagaal Culus oo u dhexeeya labo malleyshiyo beeleed.
Dagaalka oo wali socda ayaa wararka aynu helayno waxaa ay sheegaya in si weyn loo maqlayo hubka noocyadiisa kala duwan oo ay isku adeegsanayaan dhinacyada dagaalaamaya.
Dagaalka ayaa salka ku haya dhul daaqsimeed, waxaana dagaalka Xooggiisu uu ka socdaa sida wararku sheegayaan degaaanno Hoos yimaado caddakibir.
Ka hor inta uusan billaaban dagaalku, Xiisad xooggan ayaa maalmaahan ka taagnayd degaanadaasi, waxaana labada dhinac ay wadeen dhaq-dhaqaaqyo xooggan, sida ay soo sheegayaan wararka naga soo gaaraya Gobolka Galgaduud.
Wali wax war ah kama soo bixin maamulka Galmudug oo ay kaga ahdlaayan dagaalkaasi, sidoo kale ma jirto cid wali si toos ah u kala dhex-gashay, waxaana lasoo sheegayaa inuu jiro khasaare soo kala gaaray dhinacyada halkaasi ku dagaalamaaya.
Gobolka galgaduud ayaa inta badan waxaa kusoo laalaabta dagaal beeleedyada, waxaana tiro dhowr jeer ah lagu guulaystay in la joojiyo dagaallo ka qarxay qaybo ka mid ah Gobolkaasi.