Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaacisay in gacanta dowladda uu soo galay xubin sare oo ka tirsanaa Al-shabaab, kaasi oo la sheegay inuu xilal kala duwan kasoo qabtay muddo 16 sano ah oo uu ka mid ahaa.
Ninka ayaa magaaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Macalin Axmed balse Al-shabaab dhexdooda looga yaqaano, Abuu-Saacid ama Shariif, isagoo soo qabtay xilal ay kamid yihiin qaaddiga Maxkamad Gobolka Banaadir, qaadiga guud ee Al-Shabaab.
Qoraal lagu baahiyay warbaahinta ku hadasha afka dowladda Federaalka ayaa lagu xusay in sidoo kale Abuu-Saacid uu soo noqday Lataliyihii Amarkii Shabaab Axmed Godane, Madaxii Zakawaadka Gobolka Sh/Hoose iyo kuxigeenka madaxii guud ee Zakawadka Al-Shabaab.
“Ugu dambeyn Cabdiraxmaan Macalin Axmed Abuu Saacid waxa uu soo galay gacanta dowladda, waxaana uu isku soo dhiibay Hay’adda NISA†ayaa lagu yiri Qoraalka lagu daacabay warbaahinta dowladda.
Dhinaca kale Al-shabaab ayaan weli ka hadlin Ninka ay sheegtay dowladda Federaalka inuu isku soo dhiibay oo sida la tilmaamay ahaa Garsoore xilal kala duwan kasoo qabtay Shabaabka.