Boliska dalka Masar ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigeen 5 Tahriibayaal Somali ah, kuwaasi oo si sharci-darro ku soo galay dalkaasi.
Ciiddanka Ammaanka ee Magaalladda Aswaan ayaa sheegay inay Waqooyiga Aswaan ka qabteen 7 Tahriibayaal oo 5 ka mid ah yihiin Somalia, halka 2-da kalena u kala dhasheen Ethiopia iyo Eritrea.
Wargeyska Albalad ee ka soo baxa dalka Masar oo aan ka soo xiganay Warkan ayaa qoray in Tahriibayaasha Soomaalida ee la qabtay oo ay da’doodu u dhexeyso 20 ilaa 30-jir laga soo masaafurin doono dalka Masar, inkastoo aan la ogeyn dalka lagu soo celin doono.
Dhinaca kale, Boliska dalka Romania, ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen ugu yaraan 60 Tahriibayaal oo ay ku jireen kuwo Somali ah.
Afhayeenka Boliska ee dalkaasi, Roxan Costache ayaa sheegay in Tahriibayaashaasi oo da’doodu u dhexeyso 20 ilaa 40-jir lagu qabtay Xuduudka Romania la wadaago dlka Serbia.
Tahriibayaasha ayaa la sheegay inay u kala dhasheen dalalka Somalia, Moroko, Iraq, Pakistan iyo Afganistan.
©Radio Dalsan