Wasaaradda Arrimaha dibadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa dalka ka ceyrisay laba ruux oo ajaanib ah kadib codsi uga yimid xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo labadaas ruux ku eedeeyay in ay ku xad gudbeen sharuucda iyo Xeerarka dalka.
Labadaan Ruux oo lagu kala magacaabo Jacek Josef Ochman oo u dhashay dalka Poland iyo Ralf Bernhard Gehlig oo u dhashay dalka Jarmalka, labadaan ruux waxaa ay ku xad gudbeen xeerarka iyo shuruucda dalka iyaga oo ka dhexbaxay anshaxa iyo dhaqanka diblomaasidadeed.