Maxkamdda Ciidamada Qalabka sida ayaa u fariisatay dacwadda eedeysanayaal ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay si bareer ah u dileen Askar iyo dad shacab ah.
13 Askari oo ka tirsan Ciidanka Dowladda ayaa ku eedeysan kiiska dhacdo aad u xanun badan oo 27-kii bishii 2aad ka dhacday Isgooyska Siinaay, halkaasi oo Eedaysanayaasha iyo Ciidan uu watay Guddoomiyaha degmada Yaaqshid ku dhex-martay halkaasi.
Dhacdadaasi ayaa waxaa ku dhintay Askar uu watay Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid, waxaana ku dhintay dad shacab ah.
Maxkamadda oo u fariisatay dhegeysiga davwadda ayaa la filayaa inay go’aan kasoo saarto, waxaana fadhiga maxkamadda la kenay muuqaallo muujinaya Eedaysanayaasha oo si bareer ah u dilaya Askartii ku dhimatay shaqaaqadii ka dhacday isgooyska Siinaay.