Warkii ugu horreeyay ayaa ka soo baxay Aqalka Cad kaasoo ku aaddan doorashada Turkiga ee Axaddii qabsoontay.
Afhayeenka Golaha Ammaanka Qaranka Mareykanka John Kirby ayaa weriyeyaasha u sheegay in Madaxweyne Joe Biden “uu la shaqeyn doono cid walba oo ku guuleysata” doorashooyinka Tukriga.
“Waan ugu hambalyeyneynaa dadka Tukriga inay si nabad ah codkooda u dhiibtaan,” ayuu intaa raaciyay Kirby.