Wararka ka imanaya gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in weerar qaraxyo ku bilowday lagu qaaday fariisimo ay ciidamada dowladda Soomaaliyaku leeyihiin deegaanka Budbud oo ka tirsan degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.
Gaadiid waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, iyo dad isku xoo xirey waxyaalaha qarxa, ayaa la sheegay in lagu weeraray labo saldhig oo ay ciidamada dowlada ku lahaayeen Budbud.
Dagaal xooggan oo dhacay weerarka kadib, ayaa lagu soo waramahayaa inuu ka dhashay qasaare badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawacyo soo kala garay laabda dhinac, inkastoo aan la helin ilaa iyo hadda tirada saxda ah ee Khasaaaraha.
Khadka isgaarsiinta deegaanka Budbud oo go’day, ayaa sabab u noqotay in faah faahin dheeraad ah aan la helin.
Al-Shabaab ayaa dhinacooda sheegtay inay saldhigga ciidamada dawladda ee Budbud ay cagta mariyeen, waa sida ay hadalka u dhigeene, askarna ay ka dileen ciidamada dawladda Soomaaliya.
Hase yeeshee, war kooban oo ka soo baxay dowlada federaalka Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka, ay jab culus ku gaarsiiyeen Al shabaab dagaal ka dhacay deegaanka Budbud.