Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ahna xarunta ku meelgaarka ah ee dowlad Goboleedka koofur Galbeed Soomaaliya waxaa maanta ka socda qaban qabadii iyo diyaar garowgii ugu dambeeyay ee Shirka Golaha Wadatashiga Qaran.
Diyaar garow xooggan ayaa laga dareemayaa Magaalada, waxaana saacadaha soo aaddan Magaalada ka degi doono mas’uuliyiin kala duwan oo qayb ka ah shirkaasi.
Madaxda dowladda Federaalka ugu sarreysa uu uu ka mid yahya Madaxweynaha Somaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Rw Xamse Barre iyo madax kalw oo la socda Dhanka dowladda ayaa ku wajahan Baydhabo.
Sidoo kale Madaxweyneyaasha Dowladaha xunbaha ka ah Dowladda Federaalka Somaaliya ayaa iyaguna maalmaha soo aaddan tagi doona Beydhaba, waxaana socda diyaar garow xooggan.
Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya oo shirka marti galinaya ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen in ay u diyaar garoobeen marti galinta shirka, sidoo kalena xilgooni ah ay iska saareen sidii Baydhabo uu ugu qabsoomi lahaa shirka Golaha Wadatashiga Qaran.
Ammaanka guud ayaa la adkeeyay, Waxaana Afhayeenka Madaxtooyada Koofur Galbeed oo Warbaahinta la hadlay uu sheegay, in ay billawdeen kulamo horudhac u ah shirkaasi ka qabsoomaya Baydhabo.