Iran ayaa Isniintii ku dhawaaqday in hoggaamiyaha sare ee dalkaasi uu cafis u fidiyey in ka badan 22,000 oo qof oo loo xidhay mudaharaadadii dawladda looga soo horjeeday ee dalkaas ka dhacay, hase ahaatee ma jiro cid si rasmi ah u xagiijin karta warka sii daynta ee ka soo baxay xukuumadda dalkaas.
Bayaan ka soo baxay madaxa garsoorka ee dalka Iran ayaa markii ugu horraysay si weyn loogaga hadlay baaxadda ay le’eg tahay hawlgallada ay dawladda ee ka dhanka ahaa mudaharaadayaasha ka soo horjeeday xukuumadda, kuwaas oo soo bilaabmay, ka dib geeridii Mahsa Amini oo 22 jir ahayd.
Illaa haatan waxaa dalkaas ka jirta cadhada ka dhalatay geerida gabadhaas yar iyo weliba habka ay laamaha ammaanka ee dalkaasi ula macaamileen, mudaharaadada, arrintaas ayaa taabatay guud ahaan, xasiloonida dalka iyo dhaqaalahaba.