Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta, C/qani Saciid Carab ayaa ugu baaqay Xarakadda Alshabaab inay ku soo biiraan Tartanka Horyaalka K/cagta ee haatan ka socda Garoonka Banaadir “Ex Conis Stadium†ee magaalladda Muqdisho.
Hadalkaasi ayuu ku sheegay Wareysi uu siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, wuxuuna tilmaamay inaysan dhibaato u arkin haddii ay Alshabaab ku soo biiraan Kooxaha K/cagta ee Horyaalka Somalia.
“Annaga kama soo horjeedno Alshabaab, iyagana nagama soo horjeedaan†ayuu yiri Guddoomiyaha XSKC, oo intaasi ku daray inuusan Sport-gu lahayn Xuduud.
Sidoo kale, waxa uu Baaq noocaasi oo kale u diray Kooxaha kale ee hubeysan, si ay ugu soo biiraan Tartanka K/Cagta ee Horyaalka Somalia.
Dhinaca kale, Xarakadda Alshabaab weli kama hadlin Baaqa XSKC ee ku aadan inay ka soo qeyb galaan Tartamadda Ciyaaraha ee ay Madaxda XSKC qabanqaabiyaan.
©Radio Dalsan Â