Sirdoonka dalka Turkiga ayaa jicmihii shalay aheyd waxaa ay shaaciyeen inay Khaliil Manji ku dileen Howlgal Milliteri oo ay ka fuliyeen waqooyiga dalka Syria.
Hadal-qoraal oo ay Hay’adda Sirdoonka dalka Turkiga soo saareen ayaa waxay ku sheegeen in Khaliil Manji oo ka tirsanaa Kooxda hubeysan ee PKK/YPG uu door weyn ku lahaa qrixii ka dhacay Wadada Istiqlaal ee magaalada Istanbul bishii November 13-kii ee sanadkii hore ee 2022-kii.
Sida laga soo xigtay Ilo-dhanka Ammaanka, waxay Sirdoonka dalka Turkiga heleen Xog ku aadan inuu Khaliil Manji ku sugan yahay magaalada Qamishli ee Gobalka Hasakah ee dalka Syria oo ay maamulaan Maleeshiyada Kooxda PKK/YPG .
Unug ka tirsan Sirdoonka dalka Turkiga ayaa la sheegay inay bishan February 22-dii qaadeen Howlgal Khaas ah oo ay ku khaarijiyeen Khaliil Manji oo ku sugnaa magaaladda Qamishli ee Waqooyiga dalka Syria.
Waxaa la sheegay inuu Khaliil Manji abaabulay Qarixii ay geysteen Axlaam Albashiir iyo Bilaal Xasaan, iyadoo Khaliil Manji u suurto-gashay inuu Qaraxa Istanbul kadib uu dalka TΓΒΌrkiye ka baxsado.
Qarixii bishii November 13-dii ee sanadkii hore ka dhacay dhabaha Istikhlaal ee magaalladda Istanbul waxaa ku dhintay 6 qof oo rayid ah,ΓΒ halka ay 18 kalena ku dhaawacmeen.