Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa uu maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabiley safiir ku xigeenka Maraykanka Amb. Tim Trenkle oo safar ku tegay magaalada Hargeysa ee caasimadda Maamulka Somaliland.
Ugu horrayn, Madaxweynaha ayaa waxa uu warbixin ka siiyey xaaladda guud SL, gaar ahaan xaaladda Laascaanood. Waxa kale oo kulankaa lagaga wada hadlay dardar-gelinta xiriirka wada shaqayneed ee labada dhinac ka dhexeeya; sida, xoojinta iskaashiga arrimaha nabadgelyada Geeska Afrika.
Sidoo kale, waxa uu safiirku Madaxweynaha kala hadlay oo uu danaynay sidii dib loogu bilaabi lahaa wada hadalladii hakadku ku yimi ee u dhexeeyey Dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya, kuwaas oo qorshahoodu yahay inay dhawaan bilaabmi doonaan.
Ugu danbayntii, kulankaasi waxa uu ku dhammaaday is afgarad buuxa. Waxa Madaxweynaha ku wehelinaayey kulankan Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr Ciise Keyd Maxamuud iyo Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Saleebaan Yuusuf Cali Koore.