gurmadka ee Turkey iyo Syria, oo ku shaqeynaya cimilo aad u qabow, ayaa weli wada inay dadka ka raadiyaan burburka dhismayaasha, ayada oo khasaaraha dhimasho ee dhul-gariirkii shalay ku dhuftay uu dhaafay 5,000 oo qof.
Hay’adaha maareynta musiibooyinka ayaa sheegay in kumanaan dhisme, oo ku yaalla magaalooyinka gobol aad u baaxad weyn, ay dhulka la sinmeen.
Burburka ugu weyn ayaa ka dhacay xarunta dhul-gariirka oo ah inta u dhaxeysa gobolka Kahramanmaras iyo Gaziantep, oo ah magaalo ay ku nool yihiin laba milyan oo qof.
Turkey ayaa tiradii ugu dambeysay ee dhimashada dalkaas ku sheegtay 3,419 — taasi khasaaraha dhimasho ee illaa hadda la xaqiijiyey ee Turkey iyo Syria ka dhigeysa 5,021.
Waxaa jirta cabsi ku aadan in khasaaraha uu intaas aad uga badan karo, ayada oo saraakiisha Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ay qiyaasayaan in laga yaabo in 20,000 oo qof ay dhinteen.
Kooxaha caafimaadka ayaa la xarbinaya inay daweeyaan qiyaastii 20,000 oo qof oo dhaawac ah.
Dhul-gariirkii koowaad oo aad u xoog badnaa ayaa laga dareemay illaa Greenland, waxaana xigay kuwo yar yar oo uu ku jiro mid cabirkiisu aha 7.5, kaasi oo ku dhuftay xilli ay kooxaha gurmadka ku jireen baadigoobka dadka ku waxyeeloobay dhul-gariirkii koowaad.