Dagaal khasaare dhimasho iyo dhaawac leh dhaliyay ayaa saaka waaberigii hore ka qarxay magaalada Laascaanood, waxaana dagaalkaasi uu socday saacaado badan, inkastoo wararkii ugu dambeeyay ay soo sheegayaan in haatan dagaalku sidii hore ka qaboobay.
Dagaalkaas ayaa u dhexeeya Ciidanka Millateriga Somaliland iyo Ciidanka dadka degaanka, waxaana uu billawday saaka aroornimadii hore.
Dhinacyada dagaalamay ayaa guulo ka kala sheegtay dagaalkaasi,waxaaan Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland oo war-saxaafaded soo saartay ay eedda dagaalkaasi dusha ka saaartay Isimada ku shiraya Laascaanood.
Sidoo kale Wasaaradda arrimaha Gudaha oo shir jiraa’id qabatay ay sheegtay ay gabi ahaanba la wareegeen goobihii lagu dagaalamay, halka dhimac kale ay sheegeen in dagaalkaasi ay guul ka gaareen, waxaaan ay soo bandhigeen Meydadka Askar ay sheegeen inay yihiin kuwa Somaliland, kuwaasi oo Sawiradooda iyo muuqaaladooda lagu faafiyay Baraha Bulshada.
Masuuliyiin kala duwan ayaa ka hadlay dagaalkaasi, waxaana ka mid ah dadka hadlay Garaad Jaamac Garaad Cali oo ugu baaqay dadweynaha Reer Laascaanood inay galaan dagaalka.
Dhanka kalena Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ee Somaliland Cabdirraxmaan Cirro ayaa ugu baaqay in colaadda afka la qabto, Xukuumadduna muujiso dulqaad iyo dhibirsanaan, Garaadada dhaqankuna nabadda iyo xasilloonida ka shaqeeyaan.