Xiisad cusub ayaa ka dhex billaabatay dalalka Turkiga iyo Sweden, xiisadda oo salka ku biiritaanka Sweden ee NATO iyo Turkiga oo mowqif adag iska taagay.
Mudaharaad ka dhacay magaalada Stockholm ee dalka Sweden ayaa lagu soo bandhigay muuqaal Madaxweynaha Turkiga Racep Tayip Erdogan u eg oo la daldalay, arrintaasi oo ay si weyn uga carootay dowladda Turkiga.
Dadka mudahaardka dhigayey ayaa muujinayey dareenkooda ku aaddan iney aad uga xun yihiin ishortaagga uu Turkiga ku sameeyey Sweden inay xubin ka noqoto gaashaanbuurta NATO.
Turkiga ayaa dalka Sweden ku xiray shruud ah iney la dagallanto kooxaha uu Turkiga ku tilmaamay argagaixiso oo ay ka mid yihiin kuwa soo bandhigay sawirka foosha xun ee madaxweynaha Turkiga.
Ra’iisul Wasaaraha Sweden oo falka ay mudaharaadayaashu ugu gafeen Madaxweynaha Turkiga ku tilmaamay ‘wax laga xumaado’, haddana Turkigu wuxuu sheegay cambaareyn uu raysalwasaaraha Sweden falkaasi cambaareeyo oo keli ah iney ku filneyn.