Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho uga dhawaaqday kacdoon ka dhan ah dagaalamayaasha Al-shabaab, kaasi oo ka bilaabaya maalinta berrito, loogana soo horjeedo  Shabaab oo dagaal ku jirta dowladda.
Banaanbax ballaaran ayaa lagu wadaa inuu berrito oo khamiis ah uu ka dhaco Muqdisho gaar ahaan Garoonka kubada cagta ee Injineer Yariisow, waxaana banaanbaxa abaabulkiisa wada maamulka Gobolka Banaadir.
Sida uu qorshahu yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo inta badan mas’uuliyiinta dowladda iyo kuwa maamulka Gobolka ayaa ka qeyb geli doona banaanbaxa ka dhacaya Muqdisho ee lagu taageerayo guulaha dowladda ka gaartay dagaalka.
Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo ka hadlay abaabulka socdo ee dibad-baxa ayaa sheegay inay ka qayb qaadaan dhammaan qaybaha bulshada iyo sidoo kale hay’adaha dowladda federaalka.
Arrimahaan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay guullo kasoo hoyeen dagaallada ka socdo inta badan gobollada dalka.