Dowladda Mareykanka ayaa saanad ciidan oo isku jirto hub, gaadiid, agab caafimaad iyo agab kale, qeyma ahaan dhan 9 milyan oo dollar ku wareejisay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed (SNA) xaflad Axadii 8-dii Janaayo ay ka qeyb galeen wasiirka gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo safiirka Mareykanka Larry André.
Marka laga reebo hubka culus, agabka ciidan waxaa ka mid ahaa baabuurta taakulaynta iyo dhismaha, agabka lagu meeleyo waxyaabaha qarxa, agabka dayactirka gaadiidka iyo hubka. Sahayda ciidan ayaa hadda kusii wajahan Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug si loogu taageero Ciidamada XDS.
“Waxaan ku faraxsannahay guulaha ay ka gaareen ciidamada Soomaaliyeed ee dagaalka taariikhiga ah ay kaga xoreyeen ummada Soomaaliyeed dhibaatada Al-Shabaab,†ayuu yiri danjire André. “Kani waa olole ay hormuud ka tahay Soomaali. Maraykankuna wuxuu dib u xaqiijinayaa sida ay nooga go’an tahay inaan taageerno dadaalkiina.â€
Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa u mahadceliyey dowladda Mareykanka, isagoo yiri, “Waxaan rabaa in an halkan dowladda Mareykanka uga gudbiyo mahadnaqa kasocoto Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan taageerada joogtada ah ee ay siiso geeddi-socodka nabadeynta Soomaaliya iyo taageerada la dagaallanka argagixisada. Taageeradan ciidan ayaa ku soo beegantay xilli xasaasi annagoo kor u qaadayna awoodooda la dagaalanka al-Shabaab.â€
Wasiirka ayaa waxaa xafladda ku wehliyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage.
Hubka oo ay ku jiraan qoryaha fudfudud iyo kuwa culculus ayaa waxaa lagu soo iibiyay dhaqaalaha ay bixisay wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka. Hubkan waa la calaamadeeyay oona la diiwaan geliyay iyadoo la raacayo habka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Maareynta Hubka iyo Rasaasta, oo loogu talagalay in lagu xisaabtamo laguna xakameeyo hubka ciidamada Soomaaliyeed iyo hubka lagu qabto furimaha dagaalka.