Guddoomiyaha Guddiga la socodka iyo dib-u-eegista Dastuurka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ayaa loo doortay Xildhibaan Xuseen Iidoow , ka dib doorasho ka dhacday xarunta golaha Aqalka sare ee magaalada Muqdisho.
Guddoomiye Ku-xigeenka guddigan ayaa loo doortay Senator C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, halka Senator Saciid Cabdi Xuseen loo doortay Xoghayaha guddiga la socodka iyo dib-u-eegista Dastuurka BJFS.
Doorashada Guddoonka cusub ee Guddiga la socodka iyo dib-u-eegista Dastuurka Baarlamaanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenada 1-aad ee labada Aqal Baarlamaanka Soomaaliya.
Guddiga kor joogteynta dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ah 10 xubnood oo ka kooban labada aqal, kuwaas oo kala ah.
1-Xildhibaan Cali Yuusuf Xoosh
2- Xildhibaan Maxamed Xayle Axmed
3- Xildhibaam Cabdulaahi Abuukar Xaaji ( Cabdullaahi Carab)
4- Xildhibaan Xuseen Qaasim Yuusuf (Xuseen Iidow)
5- Xildhibaan Maxamed Yuusuf Xasan Waliid
6-Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid)
7-Senator Iftiin Xasan Iimaan (Baasto)
8-Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)
9- Senator Siciid Cabdi Xuseen
10-Senator Xasan Xuseen Xaaji