Wasiirkii Wasaaradda Warfaafinta dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Ilyaas Cali Nuur ayaa Caawa ku dhawaaqay inuu xilka casilay xilkii wasiirnimo ee uu ka haayay Maamulkaas.
Wasiir Ilyaas oo shir jaraa’id qabtay ayaa waxaa uu ku sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay mid la xiriirta dagaalkii khasaaraha dhaliyey ee shalay ka dhacay magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Wasiir Ilyaas ayaa sheegay inuu aad uga carooday markii la laayey dadkii uu ku metalay dowladnimada K/Galbeed, isagoo sheegay in wax aad looga xumaado uu dadkiisa kula kacay Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed Laftagareen.
“Dhacdo aad u fool xun oo qof qalbigiisa ay islaamnimo ku jirto uusan qaada Karin ayaa Baydhaba ka dhacday, waxaa lagu dheelay dowladnimadii aan waqtiga badan u soo hurnay, maanta waxaan ogaansaday in wixii shalay Baydhaba ka dhacay dartood aan xilka uga tago,†ayuu yiri wasiirkii hore ee warfaafinta K/Galbeed.
Wasiirka ayaa ciidanka Itoobiya ka codsaday inay ixtiraamaan rabitaanka shacabka reer Koonfur Galbeed oo mar dambe aan loo adeegsan siyaasadaha is diidan, si shacabka iyo siyaasyiinta K/Galbeed ay u soo doortaan hoggaan ay ku qanacsan yihiin.