Gudoomiyaha Barlamaanka  K/galbeed ayaa loo doortay Wiil Uu DhalayTaliyihii hore ee ciidamadda boliiska Soomaaliyeed Shariif Shiikhunaa Maye.
C/qaadir shariif shiikhunaaa Maye ayaa ku guuleestay doorashada gudoomiyha baarlamaanka maamulka Koonfur galbeed soomaaliya kadib doorasho maanta ka dhacday hoolka shirarka maamulkaasi.
Doorashada ayaa loo baahnaa in ay soo xaadiraan 149 xildhibaan hase ahaate waxaa soo gaaray madasha 145 mudane.
Gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka maamulka K/galbeed ayaa ka guuleystay cali xasan cusmaan waxaana gudoomiye c/qaadir shariif shiiqunaa uu helay 109 cod halka  cali xasan cusmaan uu helay 33 cod.
Waxaa halaabay 2 cod halka hal xildhibaan oo kaliya uu ka aamusay, gudoomiyaha cusub ayaana guusha gaaray wareegii koowaadba.
Hadda waxaa soconaya doorashada gudoomiye kuxigeenka koowaad ee baarlamaankaasi waxaana ku tartamaya Ibrahim Xasan Buule iyo Maxamed Nuur Maxamed halka gudoomiyaha labaaad uu u taagan yahay Aweys Xuseen Macallin oo qura.