Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay u ambabaxay dalka Aljeeriya oo uu ka dhacayo shir madaxeedka wadamada Carabta, kaasi oo sanadkaan lagu qabanayo dalkaasi Aljeriya.
Madaxweynaha ayaa intii uu ku gudajiray safarkiisa wuxuu ku sii hakaday dalka Sudan, isagoo halkaas kula kulmay Wasiirka Gaashaandhigga dalka Suudaan Sarreeye Guud Yaasiin Ibraahim Yaasiin.
Xasan Sheekh oo Khartuum kula kulmay Wasiirka Gaashaandhigga dalka Suudaan Sarreeye Guud Yaasiin Ibraahim Yaasiin ayaa waxaa ay ka wada hadleen arrimo ku aaddan dagaalka AL-Shabaab, waxaana Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Qaranka lagu sheegay in kulanku uu quseeyay sidii Dowladda Suudaan ay Soomaaliya uga taageeri lahayd dagaalka ay Dowladdu kulajirto dagaalamayaasha AL-Shabaab.
Kulanka uu Madaxweynuhu la yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga Suudaan ayaa waxaa ku weheliyay Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo qayb ka ah wafdiga madaxweynaha.
Madaxweynaha ka qeyb-galaya Shir Madaxeedka Dalalka Jaamacadda Carabta, waxaana isaga iyo wafdigiisa ay ku sii jeedaan dalka Aljeeriya.