Waxaa weli baadi goobka dad la la’yahay uu ka socdaa dhismayaashii ku burburay qaraxyadii maalin kahor ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan Wasaaradda Waxbarashada oo ku taalla isgoyska Soobe.
Dadka baadi-goobka ku jira ayaa waxaa kamid ah Haweeney lagu magacaabo Aamino Aweys Maxamed oo raadineysa Ninkeeda oo xilligii ugu danbeysay ku sugnaa isgoyska Soobe ee Muqdisho.
Aamino Aweys oo wareysi siisay Telefashinka Dalsan ayaa u sheegtay inay goobta qaraxyada ka dhaceen ka heshay Kobihii buudka ahaa iyo shaatigii uu xirnaa Ninkeeda oo isgoyska Soobe ku iibin jiray dharka Huudheyda ah.
Aamino ayaa tilmaamtay in qaraxyadii dhacay lagu waayay Ninkeeda, isla markaana ay maalintii labaad ka baadi-goobayaan meydkiisa burburka dhismayaashii kusoo dumay qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho.
“Dhar Huudhey ah ayuu gadi jiray kabihiisii buudka ahaa iyo shaatigiisii ayaan helay oo kaliyaDhar Huudhey ah ayuu gadi jiray kabihiisii buudka ahaa iyo shaatigiisii ayaan helay oo kaliya, Qaliin lacag la’aan ah ayaa ku soo raadinaa ayuu igu dhahay awoodeyda ma dhamo inaan bixiyo lacagta qaliinka” ayey tiri Aamino Aweys oo ilmeyneysa.
Gaba-gabadii Aamina Aweys Maxamed ayaa sheegtay in Ninkeeda geeriyooday uu uga tegay illaa 10 carruur ah, iyaduna ay haatan xanuunsaneyso, isla markaana ay dhanka Minka ay BURO kaga taallo.