Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar Cagjar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta gaaray magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ahna Caasimadda Maamulka.
Garoonka diyaaradaha Jeneraal Maxamed Abshir ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Deni, ku-xigeenkiisa Axmed Karaash, Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka, Wasiiro, Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale.
Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar Cagjar ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Garoowe ayaa waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, iyagoo ka wada hadli doona arrimo kala duwan.
Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in ujeedka wafdiga ka socda dowlad deegaanka Soomaalida uu yahay sidii ay uga qeyb geli lahaayeen munaasadda xarig-jarka wejiga koowaad ee dekedda Garacad oo sabtida berri ka dhici doonta deegaanka Garacad ee Gobolka Mudug.
Madaxweyne Mustaf Cagjar ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinaya Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Itoobiya, Diblumaasiyiin, Isimo iyo Ganacsato.