Cabdalla Muumin oo ah Xoghayaha guud ee labada Urur SJS IYO SMSJ oo u xiran dawlada Soomaliya ayaa maanta Maxkamadda ay qaadaysaa dacwad ay xukuumadda soo gudbisay.
Khamiistii 13ka Bishan Oktobar ayaa Maxkamad lasoo taagay Cabdalla, iyadoo eedayn aan cadayn darteed dib loogu dhigay maanta oo Axad 16ka oktober. Cabdalla Muumin maalintii 6aad ayay u tahay inuu ku jiro gacanta dawladda Federaalka Soomaaliya.
Ururrada Saxafiyiinta iyo Xarumaha warbaahineed ayaa wali ka walaacsan xariga Cabdalla, waxayna maanta sugayaan in Maxakamadda ay u cadaalad fasho.
Wasaaradda Warfaafinta ayaa warqadii ay soo saareen ku sheegtey in Cabdaala Muumin aanu xirnayn wax ku saabsan shaqadiisa, waxayna madaxdooda sheegeen in wasaarada aysan shaqo ku lahayn xariga Cabdalla Muumin.
Canbaarayn badan oo gudaha iyo dibadda ayuu la kulmay xarigga Xoghayaha Guud ee SJS iyo SMSJ.
Garyaqaanka loo qabatay Cabdala Muumin ayaa maanta ka hor difaaci doonaa maxkamada eedaynta ay dawlada soo jeedinayso oo laga sugayo cadaymo inay la timaado, waxaana uu rajeeyay in arinta fufudaan doonto.