Magaalada Beydhabo ee caasimadda gobalka baay waxaa ka dhisan urur Seddex Iyo toban jirsaday oo ay ku mideysan- yihiin qaar kamida haweenka ku nool Deegaannada maamul gobaleedka koofur galbeed, kuwaas oo la soo kulmay qoys Bur-bur.
Najmo mo,alin Mohamed  waa guddomiyaha ururka haweenkan oo ay   ku Mideysan-yihiin haween  tiro ahaan garaya ilaa 900 oo haween ah sida ay Sheegtana Wax badan ayaa ka hirgalay ujeedadooyinkii loo sameyay ururkan.
‘‘ Marka hore ururkan waxaan u sammeynay in lagu mideeyo dumarka La Soo kulmay qoys bur-bur ama furriin,in ay isku taakuleeyaan,
â€ayeey tiri Najmo.â€
900 runtii waa tiro aad u badan waxayna tusaale ka bixineysaa heerka uu marayo furriinka iyo burburka qoysas Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool baydhabo, laakiin waxaan u aragnaa in ay tahay arrin dhiirogalin leh marka ay dumarku isku yimaadaan si ay isaga kaashadaan horumarinta noloshooda.
“Tusaale Gabdha furiinkeeda marka uu cusub yahay la telin ayaan usameynaa Saan gurigeeda ugu celino, midda ninkeeda dhinteyna waan soo dhoweyna waana Dhiirigelinaa oo ganacsiyo yar yar ayaan u abuurnaa intaan lacag iska uruurinno Niyad dhisna aan ugu sammeyno si iyada oo isku kalsoon ay carruurteeda u korsato†ayeey ku raacisay.
Sheekooyin ka dhiirigalinta leh waxaa kamid ah in haween ururkan kamid ahaa ay guursadeen mar kale, hadda nolol wanaagsan ayey ku jiraan sababtoo ah intii ay nala joogeen ayaan talooyin badan siinay sida ugu wanaagsan ee loola noolaan kale lamaanaha, taas waxay u horseeday in ay reerkooda si wanaagsan ugu noolaadaan, iskana ilaaliyaan furriin iyo reerku uu ka burburo.
Dhinaca kale Sheekh ibraahim oo kamid ah culimada soomaaliyeed ayaa Sheegay In is caawinaadda iyo iskaashiga dumarkan ay wanaagsan-tahay,hase Yeeshee Laga habbonaa magacan ay qaateen.
“Wey fiicantahay haddii la is caawinaayo laakiin in magac la sameysto qol la ijaarto oo wax noocas ah sameystaan oo bug ayaa lafuraaa waa la iska warqabaa hadey tahay waa laga roon yahay iyagoo aan is sasoo shaacin oo si qarsoodi ah isku caawiyaan ayaa facan.’’ Ayuu yiri.
Duruufaha guud ee dalka ka jira ka sokow, waxaa jira culeysyo iyo caqabado u Gaar ah dumarka kali-nimada ku koriya carruurta sida ay sheegtay Xaawa Aadan Maxamed oo ah  hooyo xooggeeda ku korisa  shan caruruur ah.
‘‘Labo sano ayaan garoob ahay waxan haystaa shan caruur ah waxan ku Shaqeeyaa dhar dhaqow, dhismaha guryaha, intaas iyo wixii lamid ah ayaan Carruurteyda ku korsadaa, runtii weyna culus tahay in aad kaligaa koriso Carruur†Ayeey tiri Xaawo.
Dhinaca kale labada qof ee isasa soo aragsado hadey noo imaadan duruuftaas nahaysato na dhaan waan caawinaa oo waan isu guurinaa waxaana kala telinaanin markale gurigooda aan ka dumin oo isku nagaadaan’’
‘‘labo sanno ayaan garoob ahay waxan haystaa shan caruur ah waxan ku shaqeeyaa dhar dhaqow, guri dhoobow intaas iyo wixii lamid ah ayaa caruurteyda xoogeyga ku korsadaa ,iyaalkan aaba la,aanta uma fiicana oo waa dhib ciyaal aabo laaan la koriyo ’’
Shaqada ururkan kaliya mahan taakuleyn iyo iskaashi dhexmara haweenka uu ka So bur-buro guryaha,hase yeeshee waxaa jirta wacyi-galin iyo la talin loo Sameeyo haweenka si loo baajiyo bur-bur qoyska ku yimaada.
‘‘Sacdiyo Diinoow Xasan ayaa kamid ah haweennkaas waxayna tiri waxaan ka mid haana jirey ururka garoobada koonfur galbeed laakin hada waan guursadey waxaana dib ugu laabtey caruurteyda aabahood oo markii hore is af garan waa nagu dhacay balse ururkan ayaa garab igu siiyey inaan caruurteyda oo ah 6 ah iyo Ninkeyga dib ula midoobo ayey tiri’’
Hadda nolol degan ayaan ku noolahay, waan ku farax sanahay inaan dib ula midoobay ninkeygii hore, waa u mahadcelinayaa ururkan maadaama ay taageereen nolosheyda.