Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa uga tacsiyeeyey geerida Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow, ehelka, Guddoonka Golaha Shacabka, Xildhibaannada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuumka oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ku tilmaamay Marxuum Maxamed Mursal Boorow muwaadin qarankiisa ugu adeegay si daacad ah, kaalin wanaagsanna ka qaatay horumarka iyo dib-u-soo kabashada dalka.
“Waxaan Ilaahay uga baryayaa in uu Jannadiisa ka waraabiyo Marxuum Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow oo ahaa muwaadin dalkiisa ugu soo adeegay si hagar la’aan ah, Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, Guddoonka, Xildhibaannada iyo qoyska uu ka baxay Xildhibaanka”.Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.