Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qarax xoogan oo Maanta ka dhacay Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ahna Caasimadda rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed, kaasi oo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafaddaha Magaaladaas.
Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga hago meelaha fog-fog ayaa waxaa uu ka dhacay Boosteejada laga raaco gaadiidka aada dhinaca deegaanka Kuunya-barow, waxaana xilligii uu qaraxu dhacaayay Boosteejada ay aheyd mid uu ka jiray mashquul farabadan, lagana racayey gaadiid safar ahaa.
Dad la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in qaraxa ay ku dhinteen laba ruux oo mid Askari yahay, halka 7 qof k kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo dhammaantood ahaa dad shacab ah, Isbitaalka Magaalada ayaa loo daad-gureeyay dadka, si loogu daaweeyo.
Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa ammaanka Magaalada Baraawe ayaa goobta isku gadaamay oo gebi ahaan xiray Boosteejada uu qaraxu ka dhacay, isla markaana waxaa socda gurmad xoogan oo loo sameeynayo dad kale oo waxyeelo kasoo gaartay qaraxa.
Wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo goobta qaraxa ayaa sheegaya in xaaladda halkaas ka jirta ay tahay mid kacsan, waxaana la tilmaamay in qaraxii ka dhacay Magaalo xeebeedka Baraawe lagu hoos qariyey miis yar oo haweeney shaah ku iibineysay.