Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa goob fagaare oo ku taalla degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe waxaa ay ku toogatay rag ay ku eedeeyeen inay basaas u ahaayeen oo ay la shaqeynayeen dowladda Mareykanka, sida ay sheegtay Maxkamadda Al-shabaab.
Shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay dadweyne farabadan isugu geeyay goobta uu ka dhacaayay xukunka dilka toogashada ahaa ee lagu fuliyey illaa shan Nin oo lagu soo eedeeyay inay ka dambeeyeen duqeymo lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-shabaab.
Ragga la toogtay ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Maxamed Cabdi Isxaaq, Cali Maxamed Cabdi, Qadar Khaliif Yoonis, Xudeyfi Cabdirisaaq Xasan, Maxamed Bile Xasan, kuwaasi oo dhammaantood shabaab ay sheegeen inay qirteen falalka lagu helay.
Sida uu tilmaamay Sarkaal kamid ah Al-shabaab ee akhrinayey xukunka dilka toogashada ahaa, duqeymaha lagu dilay xubnihii Al-shabaab ayaa ka kala dhacay deegaano ka tirsan Gobollada Jubooyinka iyo Shabeellada Hoose.
Si kastaba Al-shabaab ayaa marar kala duwan waxaa ay sidaan oo kale xukuno dil toogasho ahaa ugu fulisay rag ay ku eedeeyeen inay basaasiin u ahaayeen sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mareykanka, kana dambeeyeen duqeymo dhacay.