Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)Â ayaa cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku laayeen dad rayid ah iyagoo gubay hantidii ay wateen.
Aadan Madoobe ayaa sheegay inuu cambaaraynayo weerarkaasi khasaaraha badand haliyay ee Al-Shabaab ka gaysteend egaanka Afar Irdood ee Gobolka Hiirran.
“Waxaan cambaareynayaa weerarkaasi Al-Shabaab ku laayeen dad rayid ah, kuna gubeen hantidooda, deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle” ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan.
Guddoomiyaha ayaa uga tacsiyeeyay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan eheladii iyo xigtadii ay ka baxeen dadkaasi shacabka ahaa, wuxuuna Alle ugu baryey in Janadii Firdowso ka waraabiyo.