Madaxweynaha mamaulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo maanta ka qayb galay kulan looga hadlayay amniga deegaannada mamaulkaasi ayaa faray saraakiisha ciidamada amniga in howgallo laga bilaabo meelaha y Al-shabaab haystaan oo ka tirsan Hirshabeelle.
Cali Guudlaawe ayaa sidoo kale saraakiisha amniga u jeediyay inay ka jawaabaan dadkii Al-shabaab saaka ku dileen deegaanka Afar irdoodka ee gobolka Hiiraan.
Al-shabaab ayaa weerarkaasi ku dilay dad ka badan 20 qof iyagoo sidoo kalana gubay gawaari sidday raashin gargaar ah maadama waqti adag oo abaari ay saameysay dad iyo duunyaba lagu jiro.
Waxaana Weerarkaasi sidoo kale si kulul kaga hadlay Madaxda ugu sarreysa daowladda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyay weerarkii la sheegay in Al-Shabab ay ku laayeen dad shacab ah, kuwaasi oo ku sugnaa deegaanada Afar-irdood iyo Cadakibir ee kala hoos yimaada Gobolka Hiiraan ee Dowlad-goboleedka Hirshabeelle iyo Gobolka Galgaduud ee Dowlad-goboleedka Galmudug.