Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax lala-beegsaday Masuul ka tirsanaa mid ka mid ah degmooyinka Gobolka, kaasi oo xalay Xilii dambe Qarax lagu dilay sida wararku sheegayaan.
Warar aynu helnay ayaa sheegaya in Qaraxaasi oo jugtiisa si weyn looga maqlay Dhowr degmo oo Gobolka Banaadir ah lagu dilay Guddoomiye kuxigeenada degmada Yaaqshiid Macallin Xuseen (filla-wayne).
Dilka ayaa loo adeegsaday Qarax loogu Xiray Gaarigiisa, xili uu ku sugnaa Xaafad lagu magacaabo Buul-Maaxaay oo ka tirsan Degmada Kaaraan ee Gobalka Banaaadir.
Qaraxa kadib Ciidanka ammaanka ayaa howlgallo sameeyay, mana la shaacin cid ay kusoo qabteen howlgaladaasi lagu baadi goobayay dadkii ka dambeeyay dilka Guddoomiyaha.
Wali Maamulka Gobolku wax war ah kama soo saarin dilkaasi loo gaystay Guddoomiye kuxigeenkii Siyaasadda Maamulka degmada Yaaqshiid Macallin Xuseen (filla-wayne).