Dagaal ayaa weli laga soo sheegayaa inuu ka socdo waqooyiga gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya oo xuduud la leh Tigray-kadib shan bilood oo ay socotay xabbad joojin bini’aadannimo oo hadda u muuqato inay burburtay.
Dagaalkan soo cusboonaaday ayaa billowday todobaadkii hore.
Ciidamada Tigreega ayaa Sabtidii qabsaday magaalada Kobo ka dib markii ay ciidammada dowladda u riixeen dhanka koonfureed ee u dhow xadka.
Ciidamada dowladda Itoobiya ayaa goor sii horeysay sheegay in ay isaga baxayaan magaalada si ay uga fogaadaan khatarta ah in dad badan ay ku waxyeeloobaan.
Maamul goboleedyada kale ee Itoobiya oo ay ku jiraan kuwa Oromada iyo Soomaalida ayaa soo saaray bayaan ay ku muujinayaan sida ay u garab taagan yihiin ciidamada dowladda iyo sidoo kale gobollada Amxaarada iyo Canfarta oo ah goobaha ay ka soo cusboonaadeen iska horimaadyada.
Xilligii uu taagnaa dagaalkii ugu xumaa ee sannadkii hore ayaa maamul gobolleeydo kala duwan waxay ciidamo u direen furimaha hore ee dagaalka.