Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe oo ay weheliyaan ku-xigeennadiisa ayaa maanta shir guddoomiyeyรย kalfadhiga 1aad kulankiisa 16aad, tirada guud ee xildhibaaannadda soo xaadirtay kulanka ayaa ahaa 179 .
Guddi ka kooban dhowr xildhibaan oo xaqiiq raadin u aaday xaalada Amni iyo mid nololeeed ee Gobolka Bokool ayaa warbixin looga dhageystay islamarkaasina ay sheegeen in Bulshada Gobolka Bokool ay wajahayaan Amni darro ,Abaara ba,an iyoรย xaalad nololeed oo kala duwan.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale magacabay labada Habdhowre ku-xigeen kuwaas oo kala ah Xil.Sahra Cabdullahi Cigaal iyo Xil.Cabaas Cali Ibrahim,รย waxaana codka kalsoonida siiyey 175 xildhibaanรย waxaa ka aamuustay labo Xildhibaan waxaana diiday labo Xildhibaan kale, sidaasi ayuu Guddoomiyuhu sheegayรย in ay ansax ku yihiin.
Dhanka kale Xildhibaannadda ayaa doortay Guddiga korjoogteynta dib u eegista Dastuurka Dalkaรย Shanta xubnood ee Golaha shacabka waxaana ku guuleytay,
1- Xil. Xuseen Qasim Yusufรย Iidow
2- Xil. Maxamed Heyle Axmed
3- Xil. Yuusuf Cali Xoosh
4- Xil. Maxamed yusuf Xasan Waliid
5- Xil. Cabdullahi Carab
Ugu dambeyn Guddoomiyaha ayaaรย soo xiray Kalfadhiga 1aadรย ee Golaha Shacabkaรย waxaana uu sheegay intii ay socdeen kulamadiiรย Kalfadhiga 1aad in Goluhu guteen Waajibkoodii saarnaa, sidoo kale Guddoomiyaha ayaa Xildhibaanada u sheegay in ay fasax laba bilood ah galayaanรย islamarkaana Deegaan doorashadoodu dib ugu laabtaan.