Faah Faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xooggan oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha hoose, kaasi oo u dhexeeya dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab iyo Ciidanka Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, waxaana la helayaa faah faahinno dheeeraad ah oo ku aaddan daagaalkaasi.
Wararku waxaa ay sheegayaan in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen Ciidamo ka tirsan ATMIS oo ay ku qaaden weerar gaadmo ah.
Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Golweyn oo hoostaga degmada Buulo-mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana la sheegay in weearrka ay qaaden AL-Shaaab, oo weerar ku ekeeyay goobo ay ku sugnaayeen Ciidamada ATMIS.
Wararka ayaa intaa ku Daraya in Ciidanka la weeraray ay ahaayeen kuwa Ugaanda ee qaybta ka ha Howlgalka ATMIS, waxaana lagu soo warramaya in dagaalku aaa mid xooggan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Dad Goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ay maqlayen jugta dhawaqa rasaasta ay isku adeegsnayeen labada dhinac, balse waxaa adag in la ogaado khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.
Ma jiro wax war ah oo labada dhinac kasoo baxay oo ay kaga hadleen dagaalka, sidoo kale lama oga haddii uu jiro khasaaro dhmasho iyo dhaawac.