Iyadoo goordhawyed lagu dhawaaqay wasiirada Cusub ee Xukuumadda Cusub ee RW Xamse Cabdi Barre ayaa waxaa Xilkii iska casilay masuulkii ugu horeeyay ee ka tirsan Xubnaha la magacaabay.
Wasiir Ku-xigeenka Qorshaynta Soomaaliya, Maxamed Cabdulqaadir Cali oo ka mid ahaa Xubnihii galabta la magacaabay ayaa ku dhawaaqay in Xilkaasi uu iska casilay.
Wasiir ku xigeenka ayaa is casilaaddiisa u sababeeyay dhowr arrimood oo ay ugu weyn tahay awood qabysiga Dowladda, taasi oo uu sheegay in qoonda ahaan aysan kusoo aadayn Wasiir ku xigeen.
Si kastaba Wasiir Ku-xigeenka Qorshaynta Soomaaliya, Maxamed Cabdulqaadir Cali ee iska casilay Xilka ayaa noqonaya shaqsigii ugu horreeyay ee ka mid ah Golaha Wasiirada Cusub ee Xilka loo magacaabaay iska casila.