Boris Johnson ayaa maanta iska casilay xilka hoggaamiyaha xisbiga Conservative-ka ee Britain, taasi oo dhabbaha u xaareysa doorashada ra’iisul wasaare cusub kadib markii wasiiro dhowr ah ay iska casileen dowladdiisa ay fadeexadaha hareeyeen.
“Waa ay cadahay rabitaanka xildhibaanada Conservative-ka ee ah in xisbiga uu helo hoggaamiye cusub, sidaa darteedna ra’iisul wasaare cusub,†ayuu yiri Johnson isaga oo ka hadlaya banaanka xafiiska 10 Downing Street.
Johnson, oo 58 jir ah, ayaa ku dhowaaqay inuu iscasilayo kadib markii xubno badan ay iska casileen dowladdiisa, balse wuxuu sheegay inuu si hayn doono xilka ra’iisul wasaaraha illaa laga helo qofkii beddeli lahaa.
Waqtiga lagu soo dooran doono hoggaanka cusub ee xisbiga Tory ayaa lagu dhowaaqi doonaa toddobaadka soo socda kadib saddex sano oo qalalaase uu hareeyey.
Johnson ayaa sheegay inuu “ka murugsanaa inuu ka tanaasulo shaqada ugu wanaagsan dunida,†wuxuuna qiil u sameeyey inuu u dagaalamayey illaa sacaaddii ugu dambeysay kadib markii shacabka ay doorteen bishii December 2019.
Sacaado kahor ku dhowaaqista Johnson, hoggaamiyaha xisbiga mucaraadka ee Labour-ka Keir Starmer ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo go’aanka la filayey.