Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta oo khamiis ah Cafis u fidiyey boqolaal Maxaabiis ah oo dembiyada fudud ku xukuman, isla markaana sanadihii lasoo dhaafay ku xirnaa xabsiyada ku yaalla Somaliland.
Wareegto uu soo saaray ayaa waxaa uu Madaxweyne Muuse Biixi uu Cafis ugu fidiyey 546 (Shan Boqol iyo Lix iyo Afartan) maxbuus, waxaana cafiskooda uu sabab uga dhigay Munaasabadda Ciiddul Adxa awgeed oo maalmo kooban naga xigaan.
Wareegtada Madaxweynaha Somaliland ayaa u qorneyd:
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summaddeedu tahay SL/XM/WM/222-900/072022, uu Cafis Guud u fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada Somaliland ku xirnaa.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne Cafis
Markaan Arkay: Dastuurka Somaliland, Qodobka 90aad, Faqraddiisa 5aad;
Markaan Arkay: Qoraalka Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddeedu tahay TCA/G-1/149/2022, kuna taariikhaysan 06/07/2022, ujeeddadiisuna tahay soo-gudbin Liisaska Maxaabiista Cafiska galaya Sannadkan 2022-ka;
Markaan Arkay: Qoraalka Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud  ee summaddeedu tahay XIG/SL/436/2022, kuna taariikhaysan 06/07/2022 u jeeddadiisuna tahay soo jeedin cafis guud;
Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso;
Waxaan Go’aansaday;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada ku xirnaa, munaasibadda Ciiddul Adxa awgeed, oo tiradoodu dhan tahay 546 (Shan Boqol iyo Lix iyo Afartan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaya dembiyada ay ku xukunnaayeen. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Somaliland, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista ee halkan ku lifaaqan.