Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tiina Intelmann, waxaana kulanka labada masuul looga hadlay arrimo dhowr ah oo ku aaddan Taageerada Midowga Yururb.
Kulanka ayaa si gaar ah diiraadda loogu saaray xoojinta mashaariicda horumarineed ee Midowga Yurub ka taageero Dowladda Soomaaliya iyadoo lagu saleynayo howlaha hortebinta u leh Dowladda.