Faah Faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil goordhaweyd ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana loo gaystay dilka Mid ka mid ah Nabaddoonadii soo doortay Baarlamaanka 11aad.
Wararka aynu helnay ayaa sheegaya in koox hubaysan ay dileen Nabaddoon Warsame Ismaaciil oo ka mid ahaa nabaddoonadii wax kasoo dhisay Baarlamaanka Cusub.
Dilka ayaa si gaar ah uga dhacay sida aynu wararka ku helayno Xaafadda Baar-ubax oo sido la sheegay uu degganaaa Marxuumka la dilay.
Nabaddoonka ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa Ergadii soo dooratay Taliyaha Cusub ee NISA Mahad Salaad, oo ka hor intaan loo magacaabin Taliyaha NISA kusoo guulaystay Xildhibaan Golaha Shacabka ah.
Wali faah faahin intaa dheer laagma helin dilka Muqdisho loogu gaystay Nabaddoon Warsame Ismaaciil, sidoo kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Hay’adaha ammaanka Gobolka Banaaadir oo ay kaga hadlayan dilka goordhweyd ka dhacay Muqdisho.