Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada uga socday Xarunta Madaxtooyada labadii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa Maanta oo Axad ah lasoo gaba-gabeeyay, waxaana laga soo saaray War-murtiyeed dhowr qodob ka kooban.
Shirkii Golaha Wadatashiga ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay qorsheyaasha hortabinta u leh dowladda oo ay ugu horreyso xoojinta wada-shaqeynta heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed, dib u heshiisiinta, dhammeystirka dastuurka, xoojinta nidaamka federaalka, adkeynta amniga dalka, dhisidda garsoor sal adag leh, xal u helidda arrimaha abaaraha iyo diyaarinta hannaanka doorashooyinka dalka.
Madaxda Golaha Wadatashiga ayaa isku raacay qbyo-tir iyo dhamaystir wakhtiyaysan oo lagu dul-dhiso guulihii horay looga gaaray dib-u-eegista Dastuurka, isla markaana ay noqdaan mid ay u-wada- dhanyihiin dhammaan heerarka Dowladda iyo qaybaha bulshada.
Sidoo kale Madaxda ayaa isla gartay ahmiyadda ay leedahay in la dhamaystiro hannaanka amniga qaranka sida dhismaha ciidanka iyo la-dagaalanka waxa loogu yeero argagaxisada iyo in isla-meeldhigay in la helo nidaam doorasho oo mideysan iyo doorasho dimuqraadi ah oo dalka ka dhacda.
Goluhu ayaa isku raacay in si wadajir ah loogu gurmado dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen, loona diyaar garoobo ka hortagga musiibooyinka soo noqnoqda, lana helo sidii xal waara looga gaari lahaa.
Hoos ka Akhriso War-murtiyeedka laga soo saaray Shirkii Golaha.