Taliyaha Ciidanka Booliska dowlad Goboleedka Puntland S/guuto Maxamed Cali Xaashi oo ka qeyb galay shir looga hadlayay Ammaanka Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, ahna Caasimadda dowlad Goboleedka Puntland.
Shirkan oo ka dhacay Garoowe waxaa shir gudominayay Guddomiyaha Gobolka, waxaana looga hadlaayay xoojinta howlaha sugida ammaanka Magaalada iyo sidii loo dardar-gelin lahaa howlgalada lagu xaqiijiyo deegaanada Gobolka iyo kan Magaalada.
Taliyaha ciidanka Booliska DPL S/guuto Maxamed Cali Xaashi oo warbixinta amniga gudiga ka dhagaystay ayaa ku boggaadiyay doorka ay ka qaateen adkaynta amniga caasimada Puntland, isagoo ku adkeeyay in ay sii xoojiyaan.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiir ku-xigeenka Arimaha Gudaha Puntland, wasiir ku-xigeenka Amniga Puntalnd, Taliyaha Qaybta Gobolka Nugaal G/sare Xussen Cali Maxamuud,Taliyaha Madaxtooyada Puntland G/Sare Cabdinasir Shaati, Sarakiisha Ha’adda Nabad Sugida Puntland Ee Pica,Duqa Degmadda Garowe iyo Sarakiil Kale.