Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa galabta ka dhacay duleedka Magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad Goboleedka Hirshabeelle, qaraxaas ayaa lala beegsaday Mooto Bajaaj ay saarnaayeen dad shacab ah oo kusii jeeday Garoonka diyaaradaha Jowhar.
Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ee laga hago meelaha fog-fog ayaa waxaa inta u dhexeeysa Magaalada Jowhar iyo Garoonka diyaaradaha Magaaladaas lagula eegtay Mooto ay saarnaayeen dad shacab ah, sida dadka deegaannka qaarkood ay sheegeen.
Inta la xaqiijiyay afar ruux ayaa ku dhimatay qaraxaas xoogan ee galabta ka dhacay duleedka Jowhar, halka laba qof kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana dadkaas dhaawacmay la geeyay Isbitaal ku yaalla Magaalada, si xaaladdooda Caafimaad loogu dabiibo.
Warar la helayo ayaa waxaa heegayaan in dadka la qarxiyey ee Mooto Bajaajta saarnaa oo ka baxay Magaalada Jowhar ay kusii jeedeen tuulooyin ka tirsan degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, hayeeshee uu qaraxu ku qabsaday meel ku dhow Garoonka.
Waa markii saddexaad oo qarax miino oo ay dad rayid ah waxyeelo ka soo gaarto oo ka dhaca inta u dhexeysa Jowhar iyo garoonka diyaaradaha, dhawaan ayey aheyd markii sidaan oo kale qarax miino uu ku qabsaday Mooto Bajaaj ay dad shacab ah saarnaayeen.