Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya oo maanta ka furmay Madaxtooyada Qaranka.
Shirkan oo muddo labo maalmood ah socon doona ayaa ku qotoma siyaasadda Madaxweynaha ee lagu gaarayo Soomaali heshiis ah, waxaana diiradda lagu saarayaa qorsheyaasha hortabinta u leh dowladda oo ay ugu horreyso xoojinta wada-shaqeynta heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed iyo dib u heshiisiinta.
Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-Goboleedyada ayaa shirkan ku faaqidi doonaan dhammeystirka dastuurka, xoojinta nidaamka federaalka, adkeynta amniga dalka, dhisidda garsoor sal adag leh, xal u helidda arrimaha abaaraha iyo diyaarinta hannaanka doorashooyinka dalka.
Γ’β¬ΕSoomaalidu in ay dunida la heshiiso waxa ka horraysa in ay iyadu isla heshiiso. Kulanka uu maanta madaxweyne Xasan Sh Maxamuud la yeeshay hoggaamiyayaasha dawlad goboleedyada waa tallaabada koowaad ee heshiiskaas lagu baadigoobayo – Soomaali heshiis ah oo wada jirta ee aan kala jirinΓ’β¬Β ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Wuxuu intaas kusii daray Qoraal uu soo saaray Madaxweyne Xasan Sheekh Γ’β¬ΕIs riixriixa siyaasadeed ee marar badan dano gaar ahi hoggaaminayaan, waxa innagaga lumay inay Soomaali yeelato wax weyn oo ay wada ilaashato ama wada raadsato. Waxa aan rajaynayaa in kulankani waddada u xaari doono, bulsho iyo hoggaan dan wadaag ah.
Shirkan waxaa ka qeyb galay RaΓ’β¬β’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada, Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Puntland Saciid Cabdullahi Deni, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed.