Banaanbaxyo waaweyn oo looga horjeedo Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta ka dhacay Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, banaanbaxaas oo maalmihii dambe ay ku baaqayeen hoggaamineyaasha Xisbiyada Mucaaradka.
Dadwweyne farabadan oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Waddani oo ay ku jiraan taageerayaasha Xisbigaas ayaa isugu soo baxay waddooyinka Hargeysa oo banaanbax ka dhigeen, kaasi oo ay uga soo horjeedan Muuse Biixi Cabdi.
Dadka dhigaayay banaanbaxa ayaa ku dhawaaqayey erayo ka dhan ah Madaxweynaha Somaliland, sidoo kalena dalbanayay in doorashada Madaxtooyada lagu qabto waqtigeeda, isla markaana watay boorarka Sawirrada Xisbiga Waddani.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland ayaa la sheegay inay rasaas ku fureen dadkii dhigaayay banaanbaxa oo ku kala eryeen dadkaas waday banaanbaxa looga horjeeday Madaxweynaha Somaliland.
Rasaasta ay rideen Ciidamada Booliska ayaa waxaa ku dhaawacmay Xildhibaan Barkhad Batuun Jaamac oo kamid ah Xisbiga Waddani, waxaana la tilmaamay inay rasaas lugta uga dhacday, lana geeyay Isbitaal, si loogu dabiibo, sidoo kalena waxaa la xiray xubno ka tirsan Xisbiga uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cirro ee Waddani.