Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa madaafiic khasaaro geysatay oo saqdii dhexe ee xalay lagu garaacay xaafaddo ka tirsan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho gaar ahaan xaafaddo ku dhow Garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde.
Ku dhawaad 9 madfac ayaa ku dhacday guryo ay degan yihiin dad shacab ah oo ku yaalla xaafaddo ka tirsan degmooyinka Dharkeenley iyo Wadajir, xili dadka ay hurdayeen, waxaana mid kamid ah madaafiicda ku dhacay guri ay ku sugnaayeen dad isku qoys ah.
Inta la xaqiijiyay 8 ruux oo isku qoys ah ayaa ku dhaawacmay madaafiicda lasoo tuuray, halka qof kalena oo kamid ahaa qoyska uu ku geeriyooday, waxaana dadka waxyeelada soo gaartay la geeyay Xarumo Caafimaad oo ku yaalla Magaalada Muqdisho.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay uga hadlayaan madaafiicda khasaaraha geysatay ee ku dhacday qeybo kamid ah Muqdisho, sidoo kalena lama oga halka laga soo tuuray hoobiyeyaashaasi.
Weerarka madaafiicda ayaa waxaa uu kusoo beegsaday, iyada Muqdisho uu saaran yahay bandow, sababo la xiriira Munaasabadda Caleema-saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, isla markaana aad loo adkeeyay amniga Caasimadda dalka.