Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku dhawaaqay in gebi ahaan maalinta berri la joojinayo isku socodka waddooyinka waaweyn ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare Rooble oo la hadlaayay shacabka ayaa waxaa uu sheegay in sababta loo xirayo waddooyinka Caasimadda ay tahay Munaasabadda Caleema-saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Rooble ayaa Shacabka Muqdisho ka codsaday in ay u dulqaataan xirnaanshaha jidadka caasimadda inta ay socoto munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha maadaama ay dalka imaanayaan madax iyo wufuud heer sare ah.
Wuxuu caddeeyay Maxamed Xuseen Rooble in waddooyinka Magaalada la xirayo wixii ka dambeeya 10:00 PM Caawa ilLaa berri oo khamiis ah 05:00 Galabnimo, isagoona shacabka ka dalbaday inay dulqaataan xirnaanshaha jidadka caasimadda.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Rooble ayaa faray Taliska Ciidanka Booliska in ay diyaariyaan gaadiid goobaha caafimaadka lagu geeyo dadka ay la soo darsaan xaaladaha caafimaad inta ay jidadku xiran yihiin.
Munaasabadda Caleema-saarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalinta berri oo khamiis ah lagu wadaa inay ka dhacdo Magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galaya Madax farabadan oo lagu casuumay Munaasabadda.