Maxkamadda darajada koowaad ee Magaalada Qardho ee Maamulka Puntland ayaa Maanta si rasmi ah u mudeysay waqtiga kama dambeysta ee lagu dhawaaqayo xukunka eedeysanayaasha loo heysto dilkii Marxuum Sharmaake Warsame Nuux.
Maxkamadda Magaalada Qardho ee Puntland ayaa Go’aamisay in 19-ka bishan June 2022 loo muddeeyo ku dhawaaqista xukunka shan eedeysane oo loo heysto dilka Sharmaake Warsame, sida ay sheegeen Garsoorayaasha Maxkamadda.
Xeer ilaalinta Maxkamadda darajada koowaad ee Qardho ayaa caddeysay in eedeysanayaasha oo Maxaabiis ah ay qirsan yihiin inay dileen Sharmaake Warsame oo kamid ahaa Maxaabiista ku xiran xabsiga Magaalada Qardho, kaasi oo la dilay.
Sharmaake Warsame ayaa la xaqiijiyay inuu u dhintay jirdil loo geystay, xili uu ku xirnaa xabsiga Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar ee Puntland, waxaana dhowr jeer oo horey Maxkamadda la horkeeday eedeysanayaasha loo heysto dilka.