Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ahna Caasimadda KMG ah ee Koonfur Galbeed ayaa booqday xero ay degan yihiin baracakayaal oo ku taal Baydhabo.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu wehlinaayay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa u kuur galay xaaladda ay ku sugan yihiin qoysas ka soo barakacay abaaraha ka jira deegaano ka tirsan Koonfur Galbeed.
Madaxweyne Lafta-gareen oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay inay booqasho ugu tageen qoysas danyar ah oo kunool xero barakacayaal oo ku taalla Magaalada Baydhabo, kuwaasi oo uu sheegay inay saameeysay abaarta ka jirta dalka.
Dadka ay u tageen ayuu tilmaamay Madaxweynaha Koonfur Galbeed inay aad u dhibaateysan yihiin, isla markaana ay u baahan yihiin gurmad loo fidiyo, isagoona intaas kusii daray inay ka shaqeyn doonaan sidii dadkaas dib loogu celin ahaa goobihii ay kasoo barakaceen, looga gurman doono.
Madaxweyne Laft-gareen ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga mahadceliyay booqashada uu dadka ay abaaraha saameeyeen ugu tegay, waxaana uu xusay in dowladda Federaalka ay ka dalbanayaan in dadka gurmad loo sameeyo.