Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan la yeeshay Safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaliya Larry Andre iyo madaxa hay’adda USAID Patrick Diskin.
Ergeyga iyo Safiirka, ayaa kulankooda uga wada hadlay , sida Dowladda Mareykanka ay gacan uga geysan karaan Gurmadka Abaaraaha daran ee ka jira dalka. Maraykanka waa dawladda deeqda gargaarka bani’aadanimo ee ugu badan siisa Soomaaliya.
Ugu dambeyn, Danjire Larry Andre ayaa Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha u ballan qaaday wada shaqeyn buuxda, si loo samatabixiyo malaayiinta qof ee abaaruhu saameeyeen.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maalmihii lasoo dhaafay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ka waday kulamo uu la qaadayaye Wakiilada Beesha Caalamka, isagoo kala hadlay gurmad Abaaraha ay saameeyeen dadka kunool Gobolada dalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame u magacaabay Ergeyga gaarka ah ee arrimaha Gurmadka Abaaraha, kaasi oo wada dadaalo kala duwan oo loogu gurmanayo malaayiinta qof ee abaaruhu saameeyeen.